Kooxda Al Shabaab oo Goob Fagaare Ah Xukun Dhagax Ah ugu Fuliyay Mid Ka Mid Ah Hawenka Shabeellaha Hoose

Reading Time: < 1 minute

Maleeshiyada al Shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku yaalo degaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Haweenay lagu eedeeyay in ay guursatay 11 nin sidda ay shaaciyeen Warbaahinta Al-Shabaab.

Dilka Haweenayda ayaa waxaa loo adeegsaday dhagax , Maadaama ay ku xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa eedeyntaan ku soo rogtay gabadha, kadibna waxa ay maxkamadda xukuntay in xukunkeeda uu yahay dhagax in lagu dilo, sidaasina gabadhii waxaa lagu dilay dhagax, xilli ay daawanayeen dadka degaanka.

Haweyneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Warsame, waxaana qaadiga maxkamadda uu sheegay in gabadhaasi ay qiratay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay guursatay 11 nin oo aan iska warqabin.

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa durba dhagxaan ku boobay gabadhii oo halkaasi ku dilay, ugu dambeyna maydka marxuumadda ayaa meesha laga qaaday.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!