Kooxda Al Shabaab oo dil ka dhexgeysatay Xarun ay ku sugnaayeen ciidanka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Nin hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xero ciidan oo ku taal Soomaaliya, halkaasoo uu ku dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Kenya, sida ay sheegeen milateriga Kenya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale oo Kenyaan ah ka hor inta aan la toogan, dhacdadaan ayaana ka dhigan qiddad cusub oo Al-Shabaab ku soo kordhyeen dagaalka.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii Isniinta ayaa ka dhacay Saldhigga degaanka Sariira oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya una dhow xuduudka dalka Kenya, Kooxda Al-Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda weerarka.

Waa weerarkii labaad oo laba maalin oo isku xiga ay dagaallamayaasha Al-Shabaab ku qaadaan xarumaha ciidanka Kenya,  Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii weerartay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandheera kahor inta aan la iska cabin.

Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka Kenya ayaa sidoo kale ku baaqaya in la muujiyo digtoonaan dheeri ah inta lagu guda jiro cayaaraha kubadda cagta ee  Koobka Adduunka, iyo guud ahaan inta lagu guda jiro dabaal-dagyada dhammaadka sanadka.

Ciidanka Kenya waxay qeyb ka yihiin in ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda federaalka ah ka caawiya la dagaalanka kooxaha hubeysan ee ay ugu horreyso Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida.