Kooxda Al Shabaab Oo Dib Usii Daayay Dhalinyaro Ayku Afduubteen Gobolka Sh/hoose

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay sii daayeen dhalinyaro reer Muqdisho ah oo dalxiis iyo damaashaad maalinkii koowaad ee Ciidul Adxaa u aaday beeraha gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhalinyaradan oo ahaa 12 qof isuguna jiray wiilal iyo gabdho ayaa waxa ay wateen laba gaari oo nuuca raaxada ah, xilliga la qabanayay waxa ay ku sugnaayeen beer ku taalla Jambaluul oo 10-KM ujirta degmada Afgooye.

Dad ku dhaw dhalinyarada la afduubtay ayaa waxa ay inoo sheegeen in dhalinyarada ay bad qabaan shalay gelinkii dambana la soo daayay, balse ragga laga soo xiiray Timaha, maadaama Shabaab aysan ogoleyn in dhalinyarada ay Timaha qaar iska xiiraan, qaarna ay sii deestaan.

Waalidiinta dhalay caruurtan ayaa waxaa laga soo xigtay in markii hore ay ka walaacsanaayeen xaalada ay ku sugnaayeen caruurtooda, balse markii la soo daayay ay aad ugu farxeen, waxayna sheegeen in caruurtooda mar dambe aysan aadi doonin meelaha ka baxsan magaalada.

Dhalinyarada reer Muqdisho qaarkood ayaa xilliyada ciidaha ama maalmaha kale ee munaasabadaha gaarka ah ay jiraan waxa ay dalxiis iyo sawiro ku soo gelid u aadaan beeraha gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo mararka qaar ay gabaad ka dhigtaan Shabaab, islamarkaana ay ku afduubtaan cida ay doonaan.