Kooxda AL Shabaab oo u muuqda kuwo awoodooda ciidan iyo mida dhaqaale uu isa soo tarayo maalinba maalinta ka danbeeysa ayaa waxa ay bilaabeen in ay dardargaliyaan tababarka caruurta ee xagga Dagaalaka iyo mabaa’diida ay Al Shabaab aaminsan yihiin.
Labo asbuuc ka hor ayaa caruur gaareysa 300 arday waxa loo soo xiray tababaro kala duwan halka ay hada ka wadaan degaano badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya xulashada caruurta ay u arkaan in ay qayb ka noqon karaan barnaamijkooda ku saleeymaan argagaxa iyo burburka.
Iyada oo tobankii sano ee la soo dhaafay ay saameynta Al Shabaab sii yaraaneysay ayaa waxa ay hada dib u bilaabeen in ay dib u soo uruuriyaan caruur, talabadaan ayaa waxa ay muujinaysaa in Kooxda Al Shabaab ay dib ugu soo noqonyaan deegaano horay looga xureeyay. Waa markii u horeeysan in mudo ah in Al Shabaab ay dib u bilaabaan arimaha la xiriira warbarashada iyo taakulenta dadka danta yar si ay ugu guuleystaan in ay helaan tageerada shacabka.
Dhanka kale waxa iyadana sii lumaya kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ay ku qabeen dowlada Federaalka iyo hoganakeeda. Waxaa aad looga cabsi qabaa in kooxda Al Shabaab ay helaan ama ay ku guuleystaan teegrada Qabiilada ka soo horjeeda dowlada taas oo dib u soo nooleynaysa awooda Al shabaab. Soomaaliya ayaa u muuqata in ay dib ugu noqotay xaalad horay looga soo gudbay.