Kooxda Al Shabaab oo Baahiyay Magaca Shaqsiga Isku Qarxiyay Agagarka Hotel Dorbin Iyo Beesha uu Ka So Jeedo

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Al-shabaab ayaa so bandhigtay magaca mid ka mid ah kooxdi ku lugta laheyd weerarkii dhawaan lagu qaaday Madaxtooyada iyo Xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya.

Waxaa magaca shaqsiga waday Gaariga ku qarxay agagaarka Hotel Dorbin ay ku sheegeen Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure.

Ninkan oo ay wareysatay Idaacadda Al-shabaab ka hor isqarxintiisa ayaa waxaa uu sheegay in Beeshiisu ay Marreexaan tahay kana mid ahaa kooxdi Al-shabaab ee fuliyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada iyo xarunta NISA.

Weerarkii dhawaan ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho waxaa dadka ku dhintay lagu sheegay dad ka badan 40 Qof oo u badan dad rayid ah.