Kooxda Al Shabaab oo Baahisay Magaca Ninki Isku Qarxiyay Afaafka Hore Iridka Madaxtoyada

Reading Time: < 1 minute

Al-shabaab ayaa baahiyay magaca darawalkii ka xeynayay gaarigii ku qarxay iridada Hore ee madaxtooyadda Soomaaliya habeenkii jimco aheyd.

Al Shabaab aya ninka qaraxa kowad fuliyay ku shegay magaciisa Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi oo gudaha kooxdasi looga yaqaanay (Anas)
Kooxdan aya sidoo kale bartooda wararka ku shegay in naftiis halige Anas uu meel banaan ah ku daadiyay Ciidamadii shabaab ee madaxtooyadda weerarka ku qaaday, islamarkaana uu fuliyay qaraxii koowaad ee ka dhacay Kontoroolka koowaad ee madaxtooyadda Soomaliya.
Waxa ay shegeyn in ninka is qarxiyay oo lagu magacabo Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi uu kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn gaar ahaan jufada Boqol hore ee degta gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya.