Kooxda Akhwaanu Muslimiin (Al Islah) oo ka soo muuqatay Masraxa siyaasadda (warbixin)

Reading Time: 4 minutes

Kooxda Al Islah oo mataano la ah kooxda Akhwaanu muslimiin ama luuqada Ingiriiska looga yaqaano“Muslim Brotherhood”  ayaa in mudo ah ka maqnaa masraxa siyaasadda ee Soomaaliya. Sanadadii 90s’iyo horaantii 2000 ayaa kooxda waxa ay hormuud ka ahayd dhaq-dhaqaaqa Bulsha Rayidka ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqadishu.

Kooxda Al Islaax ayaa waxa ay ka dhistay magalaada Muqadisho jaamacadii ugu horeeysay isla markaana u tayo badnayd jaamacadaha ka jira dalka Soomaaliya. Sidoo kale  taakhaatiir ka tirsan ururka ayaa waxa ay xarumo caafimaad uga furan yihiin. Waxa ay sidoo kale ku leeyihiin magaalada Muqadishu Iskuulo laga soo saaro kaadiriin ku shaqaysa mabaa’diidka ururka umadana u adeegta.

Tobankii  sano ee ugu danbeeysay ayaa kooxda Al Islah waxa ay ka baxday qadka hogaanka siyaasada dalka Soomaaliya. Sanadkii 2012 Al Islah oo kaalmo ka haysata ururka mataana la ah ee Akhwaanu Muslimiinta Masar ayaa  ururka waxa ay yeelatay musharax uga qaybgalo doorashadaaas.

Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi (Baadiyow) oo ka mida aasaasayaasha Ururka Al Islah  ayaana isku soo sharxay jagada madaxweynanimada dalka. Inkastaa oo Ururuku ku guuldareystay doorashadaas hadana baarlamaankii sideedaad  iyo kii sagaalaadba Ururka AL Islah waxa ay ku yeesheen xubno ka wakiilka ah Ururka inkastoo xubnahaasi isku dayeen in ayan sheegay magaca Ururka Islah.

Horaantii sanadkii 2018 waxa lagu qabtay magaalooyinka Jabuuti iyo magaalada Istabuul  ee dalka Tukiga shirar gaar ah oo ay madaxada iyo xubnaha gudiga fulinta ururku  isugu yimaadeen shirarkaas ayaa looga arinsaday sidoo Ururka uu door ugu yeelan lahaa siyaasada dalka Soomaaliya xiliga dhow iyo xiliga fog.

Qodobadii ka soo baxay kulamadaas waxa ka mid ahaa;

  • Madaama ayan hada jirin hogaan ay gacanta ku hayso ururka Islaax waxa la isla gartay in ururku xubno ku dhexyeesho dowlada  Fedaraalka gaar ahaan hogaanka sare ee dalka Soomaaliya.  Waxaana lagu heshiiyay in si kastaa oo ay suugal ku tahay xubno lagu dhex abuuro xafiisyada muhimka ah ee dowlada gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
  • Si dib loogu yagleelo saamyntii ururku ku lahaa siyaasada dalka in hal abuur lala yimaado ama barnaamijyo lagu hirgalinayo magaca dowlada Federaalka laakiin barnaamijyadaasi ay hormuud ka noqonayaan xubno ka mid Ururka Al Islaax
  • Si kastaa oo ay suuragal ku tahay in Ururku helo Safiiro fadhigoodu yahay wadamo muhim u ah taas oo fududeynaysa in siyaasada ururku loogu helo taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale

Iyada oo laga duulayo qodobadaas kor ku xusan iyo qodobo kale ayaa durbadiiba Ururka Al Islah uu ku dhaqaaqay taabagalinta talooyinka kor ku qoran.  Talabadii u horeeysayna waxa  qaaday Cabdiraxmaan Macalin Baadiyoow oo shaqo ka dalbaday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Xassan Kheyre ayaa shaqaaleysiiyay Baadiyow xafiiskiisa isaga oo ka dhigtay lataliyaha arimada siyaasadda iyo dib u heshiisiinta.

Waxaa sidoo kale xafiiska Xasan Kheyre  laga shaqaalaysiiyay Maxamed Nur Gacal  iyada oo ay horay u sii joogeen xafiiska dhowr qofood oo uu ku jiro Yaxye Cali Hareeri.

Dhanka kale waxa Wasaarada Diinta iyo Awqaafta loo magacaabay Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ka mida hogaanka ururka Al Islah isla markaana xiriir hoose la leh madaxda sare ee Ururka Al Islah iyo Akhwaanu Musliim. Shaqadii ugu horeeysay oo uu qabtay Wasiirku waxa ay noqotay in uu la taliye u mgacaabo Dr. Cali Shiikh Axmad oo ah madaxa Jaamacada Muqdishu. Wasiirka ayaa ku magacaabay  Dr. Cali Shiikh Axmad latiyaha Wasiirka ee arimaha Shareecada, waxa uuna u qoray mushaar guno ah.

Bishii 21 – 23 ka April 2019 Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxa ay qabatay shir loogu magac daray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayay Kaalinta Culimada Ee adkaynta Amniga & Dhab-U-Heshiinta Dalka. Qabanqaabada iyo abaabulka Shirkaan ayaa waxa hogaanka u hayay Ururka Al Islaax. Qaar ka mid ah ka qayb-galayaasha shirka ayaa waxaa laga keenay dalka dibadiisa, waxana dadkii dibada laga keeynay ay dhamaantood ka tirsanaayeen Ururka Al Islah.

Shirkaan oo ay ka hor yimaadeen culumada Ahlu Sunna Wajameeca iyo culumada dariiqooyinka aya ujeedadiisu ahayd in Al Islah dib u hanato saaamayntii ay ku lahaayeen geedi socodka siyaasada dalka Soomaaliya.

Asbuucii hore waxa uu Xasan Kheyre magacaabay gudi uu ugu magacdaray gudiga dib u heshiisiinta Galmudug. Gudigaan waxaa Gudoomiye looga dhigay Cabdiraxman Baadiiyow oo ah aasaasihii ururka Al Islah, sidoo kale waxaa ku jira gudiga xubno ka tirsan ururka Al Islah oo u u horeeyo Maxamed Nur Gacal.  Dowlada Qatar oo taageerta Akhwaanau Musliim madaxdeedana ay ku nooshahay magaalada Doha ayaa durbadiiba taageero u muujisay Galmudug? Su’aashu waxa ay tahay maxaa isku soo beegay magacaabista gudiga iyo xiisaha ay Qatar u qabto Galmudug?.

Dhanka kale MW Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu magacaabay Gudiga ka kooban lix qofood oo uu ku sheegay in ay wakiil uga noqonayaan Soomaaliya arimaha wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Xubnaha la magacaabay ayaa sidoo kale waxa ku jira ururka Al Islah, kuwaas oo kaalin ku lahaa aasaaska ururka.

Waxa muuqata in Ururuka Al Islah oo mataano la ah ururka Akhwaanu Muslimiin uu ku guulaysaty in ay dhexgalaan siyaasada Soomaaliya , isla markaana ay saameeyn ku yeeshaan fakarka iyo aragtida Farmaajo iyo Kheyre.  Ururka ayaa hada waxa uu wakiilo ku leeyahay wasaarado, maamulo; waxaana ka mida wasaaradahaas.

Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre, Wasaraada Arimada Dibadda, Wasaarada Batroolka, Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir, Garoonka Diyaaradaha, Radio Muqadisho, Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaaradda Gaashaandhiga.

Ururka Al Islah iyo ururka mataanaha la ah ee Akhwaanu Musliim ayaa laga mamnuucay wadamo badan oo ka tirsan dalalka Carabta sida Imaaraadka iyo Sacuudiga iyo dalka Maraykanka oo dhawaan ku dhawaaqday in  Ururka Akhwaanu Muslimiin  ii uu yahay urur Argagaxiso.