Dhowrkii Todobaad Ee lasoo dhaafay Waxaa Magaalada Muqdisho laga hadal haayay dhac toos ah oo loo geeysanaayo dadka shaacabka ah,taasi oo qaati laga taagnaa.
Xiliyada Habeenkii ah ayaa waxaa soo baxo koox shufto ah oo Ku hubeeysan maqaro,iyo Tooreeyo waxeeyna habeenba xaafad uga tagaan dhalinyarada Xaran-xaranta u socada amaba u shaaxaaya,
Dhacdadii ugu dambeeysay ayaa aheed in Maqaayad ku taala gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayad u dhaw suuqa Bacadlaha, waxaa ka dhacday fal burcadnimo kii ugu xumaa, waxaana koox gaareysa afar qof oo hubeysan ay dhaceen dadkii maqaayadda ka cunteynayay xiliga qadada oo Moobayladii iyo agabkoodii kale xoog furtay. Maqaayadda aya awaxaa ku jiray dad ku dhow 30 qof.
Ma jirin cid daba gashay ama dib u soo celisay xoolaha laga xoogay shacabkaasi Soomaaliyeed, waxaana Bakaaraha uu kamid yahay meelaha ugu khatarta badan ee Muqdisho oo sidoo kale la isku dilo.
Falkaan ayaa la Rumeeysan yahay in ay fulinayaan shaqsiyaad gacan saar la leh Ciidamada Amaba ka Tirsan Sababtoo ah waxaa ay u baxsanayaan si baqdin La’aan ah
Koox Shufto ah oo Muqdisho Laga Aas-aasay iyo Boob iyo Dhac xoogan oo ay ka wadaan Degmooyinka Gobolka Banaadir(AQRISO )
Reading Time: < 1 minute