Koox qarax ka fulisay Muqdisho oo Maxkamada la horkeenay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay soo geba-gabeysay kiiska rag loo heystay qarax dad badan ay ku dhinteen oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey

Ragga loo heysto qaraxaas oo gaaraya ilaa  Saddex ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Xasan Cali Barre, Sayid Cali Aadan Nuur iyo Muxudiin Maxamed Axmed,waxaana Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay sheegtay inay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay 26kii Bishii November ee sanadkii 2018 Isgoyska Kaawo-Godey ee Magalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 12 ruux halka ay ku dhaawacmeen Tobaneeye kale,waxaana Ragga Maxkamada Ciidamada la horkeenay ka mid ah Darawalkii waday Gaariga qarxay.

Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa Fadhiga  Maxkamada waxaa ay la timid markhaatiyaal, iyada oo goobta lagu weeydiiyay Su’aalo sharci ah oo Maxkamada ay u ogolaaneyso in la weeydiiyo.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Cabdullaahi ayaa sheegay in mas’uuliyada qaraxa ay qaadanayaan eedeysanaha Koowaad ee lagu qabtay gaariga qaraxa iyo eedeysanaha labaad oo ah Abtiga eedeysanaya koowaad.

Guddoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur shuute oo fadhiga Maanta ee Maxkamada soo xiray ayaa sheegay in kiiska eedeysanayaasha la soo geba-gabeeyay dhawaana Maxkamada ay go’aan ka soo saari doono.