Koox Ku Hubeysan Bastoolado oo Wiil Dhalinyaro Aha Ku Toogtay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow gudaha degmadaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah.

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in suuqyaraha degmadaas ay ku dileyn wiilka dhalinyarada ahaa,iyaga oo ka toogtay qeybaha sare ee jirka halkaasna uu ku geeriyooday.

Raggii ka dambeeyey dilka Wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday,waxana weli la cadeny waxa uu ahaa Shaqsiga lagu dilay suuqyaraha degmada dharkenley.

Dilkan aya ku soo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayen dilal qorsheysan oo inta badan ay sheegteen Al-Shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!