Koox Ku Hubeysan Bastolado oo Muqdisho Dil Ka Geystay

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno Magaalada Muqdisho aya shegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah degmada boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku dhaw Isbitaalka kulmiye oo ku yaalla degmada Boondheere.

Kooxaha oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in dhowr Xabadood ay ku dhufteen Ruux fadhiyey goobta maqaaxida ah oo Magaciisa lagu soo koobay Cali,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.

Weli lama oga waxa uu yahay qofka la dilay iyo sababta loo dilay,waxana wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in xaalada goobta dilka uu ka dhacay ay tahay mid lagu kala cararay.