Koox Hubeysneed Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Magaalada muqdisho ku toogtay koox hubeysan oo dadka Shacabka ah ku dhibaateyn jiray degmada wadajir ee Gobalka banaadir.

Kooxda Burcada iyo ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku dagaalamay xaafad ka tirsan degmada wadajir ee Gobalka Banaadir, iyadoona khasaaro la gaarsiiyay Burcada.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, sedex kalana waa ay ku dhaawaceen, kadib markii dagaal uu dhexmaray Ciidamada Booliska iyo kooxaha Burcada ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in maleehsiyaad hubeysan iyo ciidanka howlgalka waday uu dagaal dhexmaray,isla markaana Ciidamada booliska ay toogteen mid ka mid ah maleeshiyaadka halka Saddex kale ay ka dhaawaceen.

Magaalada muqdisho ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka jiray Koox burcad ah oo dadka dhac u geysanaysa, iyadoona Arintaasi Booliska Soomaaliya ay ka hortageen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!