Koox hubeysan oo xalay dil ka geysatay magalaada Cabudwaaq

Reading Time: < 1 minute

Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in xalay koox hubysan ku dileen Wiil dhalinyaro ah. waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku addan dilka marxuumka. Dabley hubsay ayaa la sheegay in gudaha Magaalada ay ku dileen Marxuumka, oo sida la sheegay ka mid ahaa Darawalada isaga kala goosha Muqdisho iyo Caabudwaaq.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in Marxuumka dilkiisu uu yhay mid salka ku haya aano qabiil, waxaana dilka kadib goobta siaga baxsaday dableydii dilkisa ka dambeysay, iyadoo sida la sheegay goobta uu dilku ka dhacay ay gaaareen Ciidanka ammaanka, inkastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin cid loo soo qabtay dilkaasi lo gaystay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Degaanada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa joogto ka noqotay dilalka salka ku haya aanooyinka Qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay dilal qorsheysan iyo dagaallo toos ah oo salka ku haya aaanooyin qabiil.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!