Koox hubeysan oo saakay haweenay ku dilay gudaha degmada Kaaraan

Reading Time: < 1 minute

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Dabley hubeysan ayaa saakay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Haweeney la sheegay inay la shaqeyneysay Maamulka degmadaas, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Kooxda dill gaysatay ayaa ahaa rag watay Bastoolad ayaa la sheegay inay dileen Haweeneyda oo magaceeda lagu soo gaabiyay Suldaano, isla markaana waxaa goobta si deg deg ah uga baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas dhacay.

Warar dheeraad ah ayaa sheegay  in Haweeneyda ay sigaar ah uga tirsaneyd Guddiga khilaafaadka Maxkamadda degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka degmada. Xalay aheyd markii kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay agagaarka Aargada Deyniile ku dileen Guddoomiyihii Waaxda Kurdamac ee Deyniile oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cabdulle Cismaan (Cabdi Juge).