Koox hubeysan oo isgoys ka mid ah kuwa ugu saxmada Badan ee Muqdisho Toogasho ka fuliyay

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo garayo Magalada Muqdisho aya shegaya in koox hubeysan ay goor dhaw ku toogteyn magalada Muqdisho gaar ahan isgoyska Suuqa weyn ee Bakaraha.

Dilkan dhacay ka dib waxa wararku ay shegayan in ciidan halkaasi ku sagan iyo kooxdi dilka geysatay ay dhex maratay is rasaaseyn iyado uu ka dhashay waxyeelo soo gaartay shacabkii halkasi ku sugnaa.

Mid ka mid ah dadka halkaasi ku sugna aya ino shegay in Haweeney sidatay ilmo yar oo isbitaal ay kala timid ay halkaasi ku geriyotay ka dib markii ay waxyeeleysay rasaastii halkasi la isku wiidaarsaday.

Inta badan maagalada muqdisho aya waxa ka dhaca dilal qorsheysan iyado kooxaha dilka geysta ay ka baxsadan goobta ay dilka ka geystan waxana xiliyada qaar dhaca in ay is rasaaseyn dhex marto ciidanka halkasi ku sugan,waxyeelona soo gaarsiisa Shacabka ku sugan goobahaasi.