Koox hubeysan ayaa xalay qof Shacab ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobalka Banaadir.
Marxuumka la dilay ayaa ahaa qof nin da’ ah,waxaana Magaciisa lagu sheegay Aadan Cali.
Dilka ayaa si gaar ah waxaa uu kaga dhacay Xaafadda Showriyaasha ee Degmada Dharkeenley.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.
Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.