Koox hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Ceel Waaq

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel waaq we gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen hoyga uu degmadaasi ka deganaa isku duwaha waxbarashada degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxdaan hubeysan ay dil iyo dhaawac ka geysteen hoyga uu degnaa isku duwaha waxbarashada ee degmada Ceelwaaq ee goboka Gedi. Alaha u naxariistee Iskuduwaha ayaa waxaa  lagu magacaabo Xasan Cali.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday 1 qof, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Ibraahim Guuleed  Aadan ayaa Isna sheegay in iskuduwaha waxbarashada degmada uu ku dhaawacmay weerarka, halka xaaskiisana ay ku geeriyootay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!