Waxaa Lasoo sheegayaa in Koox Hubeysan ay dil ka geysteen Duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo warar dheeraad ah la helayo.
Dableyda dilka fulisay waxaa la sheegay inay wateen Bistoolado iyadoo kadib ay dilka baxsadeen sida goob joogayaashu xaqiijiyeen.
Dilka ayaa si gaar ah waxa uu kaga dhacay Deegaanka Tareedisho,waxaana lagu khaarajiyey nin magaciisa lagu soo koobay Siyaad.
Kooxda ayaa rasaas ku shanaqay kadibna iskaga cararay goobta,xilli Duleedka Muqdisho deegaanada dhaca ay maalmahaan dilalka Qorsheysan kusoo badanayeen.
Ciidamada Amniga ayaa gaaray dilka kadib,meydka ayeyna meesha kasoo qaadeen,lamana sheegin sababta rasmiga ah ee keentay dilka Marxuumkaasi.