Koox Hubeeysan oo Askari ku Toogtay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Deegaanka waxaa askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya Lagu dhaawacay  Xaafadda Baar ha I dhaafin Ee Degmada Xamar-jajab Ee Gobolka Banaadir

Askariga la dhaawacay ayaa ku sugnaa fariisin  Ciidanka Dowlada ay ku leeyihii baar ha i dhaafin,sida ay Warbaahinta u sheegeen dad ka agdhawaa goobta,waxaana la sheegay in dhaawac culus oo soo gaaray  Askariga.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaarey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo goobta ka qaadey dhaawaca askariga.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada  Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee ku aadan falkaan Caawa ka dhacay Baar ha dhaafin ee Muqdisho.

Dilalka loo geysanayo askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh dowladda ayaa sijoogto ah waxa ay uga dhacaan Magalada Muqdisho,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.