Koox 40 ku dhow oo CBB ah oo Laga joojiyey Madaxtooyada Shalay!! Akhriso.

Reading Time: 2 minutes

Xog ay heshay MOL ayaa sheegeysa in maalintii shalay ahayd la helay dufcaddii ugu horreysay ee CCB-da kuwaas ka hawlgali jiray madaxtooyada Somaliya. Dufacaddaan oo ah shaqaale 40 gaaraya oo dulsaar ku ahaa hay’adaha dowladda, oo aan qabanjirn hallo Madaxtooyo iwm ayaa ka shaqeyn jiray xafiis ku yaalla madaxtooyada dhexdeeda oo ay u yaalleen computerro, labtopyo iyo Smart phones kuwaas oo ay  ku marin habaanin jireen shacbiga Somaliyeed.

Madaxtooyada guud ahaan Villada ayaa hadda waxaa ku socda baarritaanno lagu hubinayo inay hgalkaas ku jiraan qalabka wax basaasa oo lagu rabikay kuwaas oo noqon kara nooc kasta  oo smart ah, min qalin ilaa TV-ga kaa soo horjeeda iyadoo hubo inay jiraan shaqaale hawlahaas fulinaya.

Agaasimihii Madaxtooyda Fahad Yasiin oo ah Jaajuus shisheeye u shaqeeya ayaa la hubaa inuu ahaa qof aad ugu xeran mukhaabaraadka carabta oo xariif ku ah waxyaabahaas.

Waqtigaan casriga ah tiro iyo xajmi toona  ma leh qalabka wax basaasa.  Waxyaabaha sida TV-yada smart waxay isticmaalaan kamarooyin iyo makarafoono si ay u basaasaan isticmaalayaasha, nalalka smart ayaa iyagana waxay raad raacaan dhaqdhaqaaga, Cuntadaada, hurdadaada iyo xataa garaaca wadnahaaga, nadiifiyeyaasha guriga lagu nadiifiyo Vacuums smart ah waxay aqoonsadaan walxaha gurigaaga yaalla oo ay cabiraan halka uu mid kasta yaallao  Mararka qaarkood, waaba lagu iibiyaa oo dadka waxaa looga dhigaa inay guriga u ilaalinayaan, kuwa kalana iyagoon ogeyn ayey soo gataan.

Haddaba si arrimahan wax looga qabto waa in madaxtooyada Somaliya gebi ahaanba lagu sameeyaa baaris dheer oo dhinaca qalabka wax basaasa ah si hawlwadeennada ay ugu shaqeyn karaan si nadiif ah una xafidi karaan sirta dalka.

Qofka waxa basaasayaa sahal ayaa loo ogaan karaa laakiin way adag tahay in la ogaado qalabka guriga kuugu xeran ee codadka, muqaaallada iyo dhaqdhaqaaqa ururiya oo ku shuba meel loogu talagalay in lagala socda hawlahaas, kuwaas oo noqon sifo aan sharci ahayn in loo isticmaalo xog sidaas lagu ururiyey loona gudbo cadow dalka iyo dadka waxyeeli kara ayaa ka mid ah waxyaabaha u baahan in si fiican looga baaro Madaxtooyada oo dhan.

Kooxdaas shalay laga joojiyey inay madaxtooyada soo galaan waa bilow ayaa la leeyahay oo waxaa jira waxyaabo badan oo kale oo u baahan in laga gungaaro si ay madaxtooyada u noqoto meel la hubo inay sirta dowladda ku xafidan tahay.

Astaamahan waa caado iyo raad uu ka tago ruux ay diintu ku yar tahay, kaligii taliyena ah sida MW hore  Farmajo oo la sheegay inuusan xataa salaada u tagi jirin masaajidka dhabrka ku haya xafiiskiisa. Cabsida Allah sida salaadda waxay kaa reebeysaa waxyaabo badan oo xun.