Sida ay ku dhawaaqday Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Kuuriyada Koonfureed, Dalka Kuuriya ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeraad ah u soo diro Xeebaha dalka Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida ay u difaacaan danaha dalka Kuuriya ee Badda Cas iyo Batweynta Hindiya.
Warbaahinta dalka Kuuriya ayaa ka soo xigatay saraakiisha ciidamada badda kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019.
Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa hore xeebaha Soomaaliya uga joogay maraakiib dagaal oo qeyb ka ah hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida.