Koonfur Galbeed’’Wasiir Islaaw Qaraxyada Muqdisho ayuu u taag La’a yahay arinteeyna in uu soo galo Maahan’’

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa lagu eedeeyay inuu faraha lasoo galay arimaha doorashooyinka Koofur Galbeed, isaga oo wax ka qaban wayay amaan darida wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobalka Shabeelaha hoose ee Soomaaliya

Xildhibaan Cibaado Cali Abdi oo katirsan baarlamaanka Koofur Galbeed oo la hadashay Warbaahinta  ayaa sheegtay in wasiir islow aysan waxba kaga galin arimaha doorashooyinka dhawaan ka qabsoomi doono maamul gobaleedka Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo madaxweyne Shariif Xasan.

Wasiir Isloow ayey xildhibaanada ugu baaqday inuu yihmaado maamulka Koofur galbeed hadii uu wax ka qaban karo ama uu hor istaagi  karo ololaha doorashada Madaxtinimo Horjooge Muqtaar Roobow.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Sheegtay in Muqtaar Roobow uusan buuxin Shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd, taasina ay ka reebayso inuu isku soo sharaxo Madaxweynaha Koofur Galbeed, xili wadaadka Muqtaar Rooboow uu shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax doonayo inuu qabto xilka madaxtinimo ee maamulkaasi Koofur galbeed Soomaaliya.

Hor istaaga dowladda Soomaaliya ee olalala doorashooyinka Horjooge Muqtaar Roobow ayaa wali cadeyn, maadaama wali maleeshiyo taabacsan muqtaar ay joogaan duleedka degmada Diinsoor.