Koonfur Afrika oo Lagu Dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo Ku Sugna Goobtiisa Ganacsi

Reading Time: < 1 minute

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Jaylaani Ibraahim ayaa lagu dilay Tuulada Khaylitsha ee Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa lagu xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi sida ay qaar ka mid ah Eheladiisa iyo Walaalihii la shaqaynaayey xaqiijiyeen.
Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.
Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu dhaliilaa inay gabi ahaanba ka gaabisay wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso Dowladda South Afrika.