Koonfur Afrika oo Dil Logu Geystay Ganacsade Soomaaliyeed

Reading Time: < 1 minute

Weeraradaan oo ahaaa kuwa siyaabo kala duwan ay u qaadeen kooxda burcadda ayaa waxaa ay ka kala dhaceen xaafadaha kala ah Oronjo Farm ee hoos timaada magaalada Johannesburg iyo magaalada Pretoria ee caasimadda dalka Koonfur Africa.

Calas Axmed Xasan oo dhacdada kowaad gooob joog u ahaa ayaa sheegay in kooxda soo weerartay ay ahaayeen ilaa afar ruux oo hubeysan kuwaasi oo marka ay goobta ganacsiga soo galeen xabado ku dhuftay marxuumka geeriyooday, kadibna ay dhaawac iyo jirdilo u geystay laba ruux oo kale ayaga oo markaasi ka dibna ka qaatay lacago iyo kaararka teleefanada lagu shubto.

Alle ha u naxariisteen Maxamed waxaa uu noqonayaa muwaadinkii labaad ee Soomaali ah oo lagu dilo goobtiisa Ganacsiga,sida ay sheegeen dhalinyarada Ganacsiga ku heysata xaafada uu weerarka ka dhacay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!