Maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay gudaha Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta laamaha Amniga magaalo madaxda maamulka gobaleedka koofur galbeed ee Baraawe.
Taliyaha Booliska Degmada Baraawe Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali oo inoo waramay ayaa Sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta ku soo dhigeen ninkaan oo ka tirsanaa Al-shabaab qeybta jabhada, kaasi oo su’aalo la weydiyay ka dib qirtay in uu ka mid yahay Al-shabaab.
Taliyaha ayaa Sheegay in hada ninkaan ay gacanta ku yahaan ciidanka Booliska Degmada Baraawe islamarkaan ay ula dhaqmeen si wanaagsan, sida halka uu u dhigay Taliyaha.