Koofur Galbeed oo qabaneysa Doorashada lix kursi oo kamid Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Maamulka Doorashada Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay qabanayaan Doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, taasi oo ka dhaceysa Baydhabo.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada kuraastan ay dhaceyso toddobaadka soo socda.Kuraasta la shaaciyey waxaa ka mida kursia HOP261 oo kuu kufadhiyo wiilka u dhalay Musharax Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan, kaasoo la sheegay inuu u sharxan yahay Shariif Xassanoo hore ugu wareejiyay kursiga wiilkiisa.

Liiska Kuraasta doorashadooda la shaaciyay ee ka mida kuwii ugu danbeeyay ee ka dhacaya Magaalada Baydhaba ayaa kala ah: HOP261, HOP167, Hop168, HOP077, HOP099 iyo HOP186.

Hoos ka akhriso kuraastan