Koofur Galbeed oo qabaneysa Doorashada 13 kursi oo ka dhaceysa Baraawe

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Maamulka Doorashada Koofur Galbeeed ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada 13 kursi oo dhowaan Doorashadooda lagu qaban doono magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Guddiga ayaa sheegay 8 bishaan ay billaabaneyso diiwaan gelinta Musharixiinta u tartameysa kuraasta, iyada oo 10 bishaan loo asteeyay Doorashada kuraastan in ay ka dhacdo Baraawe.