Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Kornel Maxamed Aadan Jimcaale (koofi) oo maanta ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqaalaha Hay’adda ayan heysato mushaar xumo keentay in ayan xataa heli kari waayaan lacag ay ku raacaan bajaaj si ay shaqada u yimaddan.
Hadalka ka soo yeeray Agaasimaha ayaa ah mid dhiilo wato.. dad badan ayaa isweydiinaya sidee looga filan karaan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in ay sugto masuuliyadii loo igamaday mar hadii ayaan shaqaalaheeda mushaar qaadan.
Hay’adaan ayaa waxa ay ka mid tahay hay’adaha ugu daqli badan ee dowlada maadaama ay qaado lacag canshuuro badan iyo lacagaha dal ku gal ah ee laga dadka u soo safra Soomaaliya… halkee ayaa ay ka baxeen lacagahaas!
Halkaan ka daawo hadalkii Agaasimaha: