Kolonyo Ka Tirsan Ciidanka Itoobiya oo Qarax Lagula Eegtay Gobolka Baay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Militaryga dowladda Itoobiya oo marayay duleedka deegaanka Awdiinlle ee gobalka baay.

Wararka aya shegaya in Kolonyo katirsan Ciidamda Itoopiya oo ka baxay magaalada baydhabo kuna sii jeeday degmada Bardaale ee gobalka Baay lala eegtay qarax miino oo ah nuuca laga hago Remote Koontaroolka.

Qararxaasi ayanan la ogeyn qasaaraha uu geystay iyado dadka deganka ay shegayan in qaraxa ka dib ay ciidamada Itoobiya ay fureen rasaas ay ku kala ceyrinayan dadka halkaasi ku sugnaa.

Al shabaab ayaa bartahoda wararka ku bahiyan ku sheegtay in ugu yaraan 30 Askari Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa,inkasto warkaasi an la xaqiijin karin,

Weerarada ay geystan kooxda al shabaab aya sii kordhaya malmahan iyado qeybo ka mid ah gobolada dalka ay ka geystaan weeraro iyo qaraxyo.