Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay Isgooska Soos ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa kadib ayaa ciidamada AMISOM waxaa ay rideen rasaas aad u fara badan.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay istaageen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer waxaa lagu qarxiyay Isgooska Soos ee Magaalada Muqdisho.