Kismaanyo oo lagu qabtay shir looga arinsanayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab (Sawiro)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  ayaa maanta  ka furay Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose shir looga arinsanayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Shirkaan awaxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay talisyada labaad, seddexad iyo lixaad ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkaas ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay horumarka dhanka ammaanka ee sanadkan 2018 laga sameeyay Jubbaland,dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guud ahaan amniga xilligaan ee deegaanada Jubbaland.