Kismaanyo: Dadka degan guryaha danta guud ayaa lagu amray inay si dhaqso ah uga guuraan

Reading Time: < 1 minute

War saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Howlaha guud iyo guryeynta maamulka Jubbaland ayaa dadka deggan guryaha danta guud ee Dowladda lagu amray inay si dhaqso ah uga guuraan.

Warsaxafadeedkann ayaa wuxuu saameynayaa dhammaan dadweynaha degan guryaha Dowladda, iyadoo loo qabtay inay muddo 14 casho ah uga guuraan, iyadoo ciddii u hoggaansami weyda amarkaasina ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqasan laga qaadi doono.

Sidoo kale, War-saxaafadeedkaas ayaa laamaha ammaanka Jubbaland lagu faray inay ka saaraan dadka deggan guryaha dowladda marka la gaaro xiliga fursada loo siiyay inay kaga guuraan guryahaasi.

Ugu dambeyn, Deegaannada Maamulka Jubbaland ayaa shacabka ku nool qaarkood waxay daggan yihiin guryihii dowladdii hore, iyadoo taallaabadan aysan ahayn middii ugu horreysay oo uu maamulkan faro shacabka ku nool deegaannadaas.

Dowlada Jubbaland ayaa in mudo da’daal ugu jirtay in ay dib u soo celiso handitada qaranka ee sida gara ah ay u istcimaalaan shaqsiyaad iyo ganacsato.

Halkaan ka Aqriso warsaxafadeedka ka soo baxay Dowlada Jubbaland

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!