Madaxdii ka qeybgaleysay shirka AU ee dhowaan lagu qabtay Addis Abeba ayaa la yaabay sababta uu Farmajo ugu jeediyey khudbad oo ku buunbuuniyey wax uu ku sheegay waxqabadkiisa shanti sano ee la soo dhaafay ee Somaliya.
Inuu abuuray ciidamo Harmcad (Fahad), Duufaan iyo kooxda Bac ka sii oo ay shuraako ku ahaayeen Xasan Cali Kheyre ayuu dhegahooda maqashiiyey AU Madaxdeeda. Qaar ayaa afka kala tagay, qaarna wayba iska seexdeen intii uu hadlayey.
Taallooyin iyo dhismayaal uu Xamar ka sheegtay inuu hagaajiyey, ciidamado uu qoray iyo dalka Somaliya inuu aad uga shaqeeyey inuu dalka Itoobiya iyo madaxdeeda si fiican ugu xeray Somaliya. Erateriya inuu ka qaaday cunaqabateynta laakiin uu Somaliya ku dhuujiyey maadaama ay joogaan Shabaab iyo Jibuuti oo uu ka horyimid waxa ay Eareriya ku sheeganeyso.
Dad badan ayaa ka naxay haddallla aan ka fiirsiga lahayn ee uu halkaas kaga hadaaqay Farmajo, waxayna la yaabeen sida u uku ahaa 5 Sano Madaxdweyne Somaliyeed, iyadoo Somaloda lagu yaqaan inay yihiinn dad dadaal badan.
Bohosha uu dalka kala dhacay Farmajo, habdhaqanka cabsida leh ee uu abuuray iyo jihada habaawsan ee uu dalka ujeediyey waxay si cad uga muuqdaan doorashooyinka boobka ah ee askarta iyo kooxo la soo xulay ay u soo xulayaan xildhibaanda beelaha kale.
Abaaldhaannimo darteed, kooxaha u niikin jiray Farmajo ayaa maanta oohin jooga kadib iska dhaaf in laga shaqeeyo inay tartamaan oo laga guuleystee waxaa xataa loo diiday xaqooda ah inay tartamaan.
Rag iyo Haween badan oo shalay sameeyey khaldaad masiiri ah kadib markii ay u codeynayeen wax kasta oo ay Farmajo iyo Xasan Kheyre rabaan ayaa maanta bannaanka la dhigay oo jooga shallaayto ah markaan awood lahaa iimaan iyo caqli ma lahayn, maanta oo uu maanka iyo iimaanka soo noqdayna awood ma lihi.
Dhacdada noocan ah, haddii ay caqli leeyihiin waxay tusaale u tahay xildhibaanada hadda gacanta lagu soo riminiyo, kuwaas oo berri marka laga dhameysto sida Cinjirka Siyaasadda la iska tuuri doono, waxaa kaliya oo ay ku badbaadi karaan waa markey qaran ahaan u fekeraan oo wax ku doortaa caqli qaranka u hiilliniya, kaas oo la hubo inuu u abaalgudi doono.
Xildhibaan Waqti ha ku lumin sidaan ku timid ee waqtigaaga ku bixi sidee dhaxal wanaagsan aad uga tagi kartaa oo adduunka dad wax u tarana aakhiradaadana aan kaaga dheeleyn.