khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay Machadka SETA ee dalka Turkiga

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ku saabsan faa’iidada xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ka jeediyay Machadka Siyaset Ekonomi ve Toplum Araştırmaları Vakfı (The Foundation for Political, Economic and Social Research).

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray malafka amniga Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya iyo Turkiga iskaga kaashan karaan la dagaallanka Al-Shabaab oo ku dhowaad 15-kii sano la soo dhaafay dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sharraxaad qotodheer ka bixiyay caqabadaha heysta Soomaaliya iyo xalka ay u hayso xukuumadda cusub. Madaxweynaha ayaa sharraxay siyaasadaha duugoobay ee dowladaha caalamka u adeegsan jireen la dagaallanka Al-Shabaab isaga oo faahfaahiyay sida aanay siyaasadahaasi dan ama dookh ugu arkin Soomaaliya.

Horraan dowladaha caalamku waxa ay Al-Shabaab u adeegsan jireen siyaasadda xakameynta Al-Shabaab (Containment Policy) taas oo hadafkeedu ahaa in Al-Shabaab lagu xakameeyo xuduudaha Soomaaliya oo aynan u gudbin wadamada deriska ah ama dalalka kala duwan ee ay ka yimaadeen dagaalyahannada ajaanibta ah ama Soomaalida wata baasaboorada dalka galbeedka ah. Madaxweynaha ayaa siyaasaddan ku ciladeeyay midaan dan ama dookh u aheyn dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu sheegay in siyaasaddii labaad ee loo adeegsaday Al-Shabaab ay aheyd in la yareeyo ama la dhimo awoodda Al-Shabaab iyada oo loo adeegsanayo hab militari (Degrading Al-Shabaab by Military). Madaxweynaha ayaa siyaasadaanna ku ciladeeyay midaan nagu filneyn marka la eego wakhtiga dheer ee uu qaatay dagaalka Al-Shabaab iyo sidoo kale xaaladda ay Soomaaliya maanta mareyso.

Maadaama oo ay xukuumaddan innaba dan u arkin siyaasadahaa kore waxa uu madaxweynaha sheegay in ay tookadaan ay horumariyeen ama diyaariyeen siyaasad hor leh oo lagu soo afjarayo mashruuca Al-Shabaab taas oo noqon doonta saddex afleey.

Waa midda koowaad waa in militari ahaa looga itaal roonaado Al-Shabaab iyada oo la adeegsanayo dhammaan wadooyinka diyaarka. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in marwalba oo ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan cid walba oo dooneysa in ay joojiso qaabka hubeysan ee ay wax ku raadinayaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu qorshuhu yahay in markan Al-Shabaab looga adkaado caqiido ahaan iyada oo laga soo celinayo aragtida sheegaya in Al-Shabaab ay diin u taagan yihiin ama u dagaalamayaan. Qodobka saddexaad ee u danbeeya ayuu madaxweynaha ku sheegay in ay tahay in Al-Shabaab looga adkaado dagaalka dhanka dhaqaalaha maadaama oo waayihii danbe uu kor u kacay awoodda dhaqaale ee ay Al-Shabaab sameeyay sanadihii u danbeeyay.

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa ku micneeyay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga mid ku dhisan is ixtiraam, wax wada qabsi iyo wada daneysi isaga oo xusay sida ay muhiim u tahay in markan Soomaaliya laga caawiyo sidii ay uga guuleysan laheyd caqabadda dhanka amniga taas oo koobsaneysa dhammaan caqabada hortaagan dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu la kulmo madaxweynaha dalka Turkiga mudane Erdogan.