Khiyaanadii Sharif Xasan oo laga warhelay & Madasha Musharaxiinta oo diiday in uu shirkooda soo fariisto Xasan Kheyre

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 9 days
0 0 hours
5 3 minutes
4 8 seconds
Reading Time: 2 minutes

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay kulankii galabta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegaya MOL u xaqiijiyay in Madaxda Madasha ay diideen in Musharax Xasan Cali Kheyre uu ka soo qeyb galo Shirka berri ee Midowga Musharixiinta uga furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxda madasha ayaa la sheegay in ay Kheyre ku cadaadinaayaan in uu marka hore la hadlo saxaafadda, isla markaana sheego eedo badan oo isaga loo haysto cidda bixisay amarada lagu fuliyay, haddii uu isaga lahaana uu weydiisto Madaxdii hore cafis cudur daarna ka bixiyo wixii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intuu ka midka ahaa nidaamka Madaxweyne Farmaajo

Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu ka war helay diidmada Musharaxiinta ayaa caawa degdeg ugu tagay hoyga Madaxweyne Shariif oo ah Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxaana dhex maray kulan saacad qaatay, sida MOL loo xaqiijiyay kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgaran waa.

Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa dabada ka riixaya in Xasan Cali Kheyre uu qeyb ka noqdo madasha Musharaxiinta waxaana jira tuhun laga qabo labadooda oo ah in aay heshiis ku yihiin in Xasan Cali Kheyre uusan ahayn musharax Madaxweyne, balse uu yahay Musharax Guddoomiyaha Baarlabaanka ah si uu Sharif Xasan fursad ugu helo in uu noqdo Ra’isul Wasaare.

Xasan Cali Kheyre ayaa bixinayay qarashka hotelka uu degenaa Sharif Xasan iyo dadka la socday magaalada Nairobi, waxaana si joogto ah khadka telefonka kuwada xiriirayay Sharif Xasan & Xasan Kheyre. Waxaa jira qorshe aay isla wadaan Sharif Xasan & Xasan Cali Kheyre oo dhawaan laga war helay.

 

Doorasho