Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo fara badan ayaa loo diiday iney gallaan deegaano ka tirsan Jubbooyinka oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin.
Saraakiisha Al-Shabaab ee loo diiday iney gallaan deegaano ka tirsan Jubbooyinka ayaa ka baxay Gobolka Shabeelaha hoose,kuwaasi oo doonayay iney ku biiraan Al-Shabaab kale oo ku sugnaa deegaano hoostada degmada Jilib.
Illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Saraakiisha Al-Shabaab ee duleedka Jilib lagu celiyay ayaa waxaa ka mid ah Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage,waxaana arrintaan loo aaneynayaa Khilaafka iminka ka dhex taagan hogaanka sare ee Al-Shabaab.
Warar maalmihii u danvbeeyay la isla dhexmarayay ayaa sheegaya inuu geeriyooday Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye,kaasi oo mudooyinkii danbe xanuunsanayay.
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay in Hogaamiyahooda uu geeriyooday uuna noolyahay