Waxaa in mudo ah khilaaf xoogan uu ka dhex jiray taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage & Taliyaha Ciidanka AMISOM Janaal Diomede Ndegeya. Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage & Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Diomede Ndegeya kadib markii ay isku fahmi waayeen howlgallada Militari ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ka bilawday 23-kii May 2021.
Xogta aan helay ayaa waxa ay intaas ku daraysaa in Taliyaha AMISOM iyo kan Ciidanka Burundi ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay si wadajira ugu eedeeyeen Taliye Odowaa Yuusuf Raage in aanay ku wargelin howlgalladaas socday muddo ka badan bil sida uu sheegay sarkaal katirsan AMISOM oo magaciisa ka gaabsaday.
“Taliyaha Ciidanka AMISOM & Kan Dowladda Burundi ayaa wadajir Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu eedeeyay in aanay ku wargelin howlgalkaas, cuqdad xun ayaa ka dhaxeysa labada Taliye oo waxaa meesha ka maqan wada shaqeyntooda” ayuu yiri Sarkaal katirsan AMISOM.
”Howlgalku waxa uu ahaa in la wada qorsheeyo balse Taliyaha Ciidanka Soomaaliya waxa uu doonayay in uu muujiyo kartidiisa oo in uu fulin karo howlgalkaas la’aanta AMISOM, markii uu noqon waayay sidii uu filaayay waxa uu ka raadsaday garab Taliyaha AMISOM” ayuu sii raaciyay hadalkiisa sarkaalkaan katirsan AMISOM.
Waxa uu intaas ku daray hadalkiisa “Waxa uu ka doonayay AMISOM in ay ku gargaarto Diyaarado gantaallo ku tuura meelaha Al-Shabaab ay ku sugan yihiin ee duurka ah balse xog lagama heyn sirdoon sax ah, taliyuhu wuu ku gacanseyray qaylo-dhaantiisa”.
Sarkaal katirsan howlgalka AMISOM ayaa dhanka kale sheegay in sababta howlgalkaas ay ugu biirin waayeen ciidamada Burundi ay tahay in Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku guuldareysteen in AU-da kala wareegaan saddex saldhig oo kala ah: Buurane, Ceel baraf & Gololey si ay u diyaariyaan ciidan guurguura oo la howlgalla.
“Markii ay ciidanka naga codsadeen waxa aan ku dhahnay idinka ayaa Gacmaha naga xiray oo waad diideen in aad saldhigyadaas la wareegtaan, waxa aan idinku caawin karnaa in aan madaafiic ku tuurno meelaha lagu tuhmayo Al-Shabaab si aan argagax ugu ridno” waa sida uu yiri Sarkaalkaan katirsan AMISOM ee la hadlay VOA.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka dhankiisa kama aanay hadlin S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku gacanseyray in uu ka hadlo khilaafka kala dhaxeeya Ciidanka AMISOM Gen. Diomede Ndegeya oo xilkaan la wareegay 31-kii August 2020.