Khilaafka U Dhaxeeyo Guddoomiye Yariisow & Wasiirka A/Gudaha Oo Cirka Isku Shareeray

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Khilaafkii u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho uu meeshii ugu xumeyd gaaray.

Labadan shaqsi ayaa muddo khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyaa waxaana is- afgaran waaga uu soo bilawday Bishii Shanaad ee sanadkan markaasoo ay ku murmeen Guddoomiyeyaal uu doonayay inuu Xilalka ka qaado Duqa Muqdisho.

Kadib markii Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu qaaday Talaabadii uu ka hor yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha waxay Dacwado kala duwan u gudbiyeen Madaxda Dalka, iyadoo Shaqsi kasta uu eedeynayo kan kale.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaan soo faragalin Khilaafkan Mudada dheer u dhaxeeya Labadaan Masuul, waxaana hada la sheegaya inuu Wasiir Sabriye u goodiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo doonayay inuu Shaqada ka fiirisiyo labo Masuul oo Gobalka Banaadir ka shaqeeya isku heybna ay yihiin Wasiirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku eedeynaya Eng: Yariisow inuu ku takri falo awooda Maamulka Gobalka Banaadir isagoo ciduu doona Shaqada keena iyo ciduu doonana uu iska buriyo isagoo sabab aan u yeeleyn xilka qaadista uu sameynayo.