Guddiga Dib u eegista ayaa dhawaan qoraal ay soo saareen oo ka koobnaa Lix qodob waxa ay ku sheegeen kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh, iyago ku war galiyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Arrimaha ay ku eedeeyeen Wasiirka Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah isaga keligiisa inuu isku koobay shaqada Dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.
Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Guddiga Dastuurka Aqalka Sare ayaa sheegay in uu si weyn u xoogeystay Khilaafka , islamarkaana uu saameyn ku yeesheen Shaqaddii dastuurka ee la doonayay in la meelmariyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada dastuurka ay noqotay Fadhiid, Wasiirkana la doonaayo in meesha uu ka baxo si loo bilaabo howlaha dastuurka.
Khilaafka u dhaxeeyay Guddiga dastuurka iyo sidoo kale Wasaaradda ayuu sheegay xildhibaanka in ay galeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare laakiin ay ku fashilmeen in ay xaliyaan.