Khilaafka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya oo cirka isku shareeray

Reading Time: < 1 minute

Raysalwasaaraha Sudan Hamdok ayaa sheegay in Sudan oo hada ah Madaxa Urur gobaleedka IGAD ay soo bandhigtay inay waan waan ka bilowdo Tigray si dagaalkaasi loo xaliyo, hase yeeshee waxaa diiday Xukuumada Itoobiya.

Cabdalla Hamdok Raysalwasaaraha Sudan ayaa shalay khadka Telefoonka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinknen oo ay ka wadahadleen dagaalka sii xumaanaya ee ka socda Waqooyiga Itoobiya.

Itoobiya iyo Sudan oo jaar ah ayaa horey waxa uga dhaxeeyey xiisado la xariira dhulka ay isku heystaan ee xaduuda iyo dhismaha Biyo-Xireenka Itoobiya ka dhistay wabiga Nile, balse Sudan ayaa ku dooday in dhankooda doonayeen in xal waara laga gaaro dagaalka u dhaxeeya xoogaga Tigray iyo Xukuumada Federaalka Itoobiya.