Khilaafka Max’ud Sayid & A. Madoobe oo cirka isku shareeray! A Madoobe oo go’aan gaaray?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa asbuucyadii la soo dhaafay ka jiray Dowlad Goboleedka Jubbaland khilaaf aad u xoogan oo u dhaxeeyay  Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan iyo Madaxweyne Axmad Madoobe. Khilaafkaan oo ahaa mid in mudo ah soo socday ayaa haatan cirka isku shareeray.

Khilaaf  ayaa ahaa mid in mudo ah laga qarinayay howlwadeenada Dowlad Goboleedka Jubbaland si ayan saameyn ugu yeelan geedi socodka howlaha nabadda iyo doorashooyinka. Maxamud Sayid Adan ayaa ah nin lagu yaqano deganaansho, akhyaarnimo iyo xog’ogaalaanimo ayaa sida uu sheegay  saaxiibadiisa gaarka ah yiri “ in mudo ah baan  u dulqadanayay dulmiga Axmad Madoobe”.

Dhanka kale Axmad Madoobe ayaa dhankiisa sheegtay in Maxamud Sayid  Adan uu isaga wax ka dhigay. Axmad Madoobe ayaa yiri “xaqiiqdii waa nasiib xumo ah in nin aan la dooran oo aan aniga wadada ka soo qabanay in uu maanta hogaankii Jubbland nagula dagaalo”.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa markisii horay aad uga taxadaray in aan isaga iyo beeshiisa lagu qabsan hogaanka Jubbaland. Si taasi ugu suuragashana waxa uu isa siiyay awooda ah in  isaga  oo kali ah uu qofkii uu doono ka dhigan karo Madaxweyne ku xigeen. Taas oo macnaheedu tahay,  halka Galmudug , Puntland iyo Hirshabelel Madaxweyne ku Xigeenka la soo doorto,  in Jubbaland , Axmad Madoobe kaliya uu lahaado awooda uu  cida uu doono ka dhigan karo  Madaxweyne ku xigeen.

Qodobada ugu waaweyn ee la isku qabtay ayaa waxa kamida arimaha doorashooyinka,  xal u helida Arimaha Gedo, dhaqaalaha  iyo guud ahaan qorista ciidanka cusub ee Jubbaland loo tababaraayo. Maxamud Sayid ayaa u muuqda in uu ka biyo diiday in uu noqdo magac uyaal sida Madaxweyne ku xigeeenka labaad ee Jubbland Cabdiraxamaan Luga Dheere oo ayan jirin cid uu matalo ama uu magacooda ku hadli karo, laakiin kurisga jagada ku fadhiyo magaca beesha Hawiye.

Sida MOL ay u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Axmad Madoobe ayaa go’aan ku qaatay in uu ceyriyo Madaxweyne ku Xigeenkiisa Maxamud Sayid, isla markaana uu nin kale ka soo xusho Beesha Mariixaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar kamida saaxiibadiisa ka soo jeeda beesha Ogadeen  iay kula taliyeen in uu dib u dhigo ceyrinta Maxamuud Siyid ilaa doorashada ka dhaceyso si aan culasy uga imaan beesha Mariixaan iyo beelaha kale ee ka soo horjeeda hogaankiisa.

Axmad Madoobe ayaa sidoo kale ay ku jirtaa dareenka ah in hadii uu hada ceyriyo Maxamuud Sayid ay beesha caalamku u arkayso in uu yahay qaswade  qalqal galinya howlaha doorashooyinka. Sidaas darteed waxaa macquul ah in dib uu u dhiga ceyrinta Maxamud Sayid. Su’aashuse waxa ay tahay Maxamud Sayid muxuu sameeyn doonaa? Beesha Mariixaan maxaa talo u ah?