Khilaafka Sii Xoogeysanaya ee Eng Yariisow iyo Xukuumada oo Sababaya In Laso Dadajiyo Xil Ka Qaadistiisa

Reading Time: < 1 minute

Waxa sii xogeysanaya Khilaafka Siyaasadeed ee Xukuumada iyo Duqa muqdisho iyado uu dhawaan Eng yariisow uu shegay xubno ka tirsan Xukuumada uu ka wadan la’yahay Shaqadiisa,xili ay Xukuumada qorsheyneysay in Xilka laga qaado Yariisow oo lagu fushtay danihii laga laha.

khilaafka Madaxtooyadda iyo Duqa Muqdisho aya sii xogeysanaya kadib markii shaqsiyaad ka tirsan Madaxtooyadda ay baraha Bulshada ku dhaliileen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir sida uu ugu fashilmay daryeelida ciyaartoyda Qaranka ee da’yarta oo la arkayay iyago bajaaj ka raacaya isgoysyada Muqdisho xili ay safar ka yimaadeen.

Xafiiska uu ku shaqeeyo Duqa Muqdisho aya waxa kula sugan Sirdoono ka socda Madaxtoyada iyo Xukumada oo Xilal laga siiyay Dowlada Hoose ai ay ula socdan dhaqdhaqaaqa Yariisow kuwaasi oo gudbiya qorshayaasha.

Khilaafka sii xoogeytay ee Yariisow iyo Xukuumada aya sababaya in laso dadajiyo Xilka qaadistiisa iyado ay diyaarsan yihiin shaqsiyaadkii badali laha Eng Yariisow.