Khilaafka Madaxda Galmudug oo meel xun gaaray iyo Carabeey oo Muqdisho laga soo abaabulaayo!!

Reading Time: < 1 minute

Xog dheeraad ah oo ay heshay shabakadda wararka ee MOL ayaa sheegaysa inuu meeshii ugu saraysay gaarey khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Khilaafkaan oo saameeyey shaqadii barlamaanka iyo xukuumadda ayaa waxa uu salka ku hayaa hab maamulka guud ee maamul goboleedka Galmudug, waxaana ku lug leh siyaasiyiin ka macaasha siyaasadda Soomaaliya iyo ganacsato leh dano gaar ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf iyo madaxa Xukuumadda Sheekh Axmed Shaakir oo isku garab ah ayaa fadhiya caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb halka ku-xigeenkiisa Maxamed Carabay, gudoomiyaha barlamaanka  oo xildhibaanada Xaaf taageersan xilka ka qaadeen iyo madaxweyne kuwa ka soo horjeeda ay doorteen (Baasto) ay fadhiyaan magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in iyadoo lafulinayo heshiiskii lagu mataaneeyey Galmudug iyo Ahlusuna aysan doorasho dhici doonin saddexda sano ee soo socota, ayna fulin doonaan heshiisyadii kale.

Waxgaradka deegaamada uu ka arrimiyo maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inaysan aqbali doonin dhiig daata aysanna xilligaan dani ugu jirin dadka reer Galmudug iyo maamulka midkoodna.

Waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin madaxweyne Axmed Geelle Ducaale Xaaf iyo madaxa xukuumadda Sheekh Axmed Shaakir isla markaana ay waajib tahay in xukuumadda looga dambeeyo talada dalka.