khilaafka madaxda Galmudug oo cirka isku sii shareeray

Khilaafka ka dhex taagan Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa yeeshay Waji cusub ka dib markii Magaalada Dhuusamareeb Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda ay kaga dhawaaqeen in Muddo Xileedka Madaxda Galmudug uu ka bilaaban doono Heshiiskii 2017-ka lagu saxiixay xarunta Madaxtooyadda.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen in uu dhamaaday Muddo xileedka maamulka Galmudug oo la dhisay Sanadkii 2015-ka.

Madaxweyne Xaaf ayaa inta badan la kulmay Madaxda Dhaqanka Galmudug , waxaana uu sheegay in aysan jirin xildhibaano lasoo xulaayo, Maadaama Midowga Galmudug iyo Ahlusunna ay si rasmi waqtigu uga bilaamay sidii horay loogu ballamay kulankii ka dhacay Madaxtooyadda.

Madaxweye ku xigeenka Galmudug oo arintaasi kasoo horjeedda ayaa ka dhaadhicinta Waxgaradka in doorashadda la aado Bartamaha Sanadkaan ka wadda degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa waxaa ka daalay in xaliyo madaxda ugu sareysa dalka, waxaana inta badan dowladda dhexe Kooxda uu hoggaamiyo Xaaf ay ku eedeeyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug in ay taageerto oo dhaqaallo badan  ay ku bixiso.

Advertisements
Xayeeysiin