Khilaafka Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda,Maxaa Sababay (Siyaasi sheegay Gunta Arinta)

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii Todobaad ee lasoo dhaafay waxaa ay warbaahinta Gudaha Baahineeysay warar la xariira khilaaf xoogan oo ka dhex aloolsan Madaxweynayaasha Mamaul Goboleedyadda kuwaasi oo sii kala furfur-maayo,taasna waxaa ay timid ka dib markii waare la heshiiyay Dowladda.

Siyaasigga lagu Magacaabo  Xusseen Maxamuud Maxamed oo la hadlay Idaacadda Maanta Ee Mgaaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababtaasi ay ugu weeyn tahay iyagoo ay dowlada dhexe Xubno ka socda ku dhex Milmeen.

Xusseen waxaa uu xusay in sababta kale ee ugu weeyn ay tahay in Dowlada Federaalka ay hada ka fikireeyso doorashadda Xigta taasi oo ay rajo weeyn ka qabto taasna ay qasbeeyso in ay hada kala disho Maamul Goboleedyadda si aysan Awood muuqata u yeelan.

Madaxweynaha Mamaulka Hirshabeelle war uu dhawaan soo saaray waxaa uu ku sheegay in Go’aanada kazoo Baxaya Golaha iskaashiga in aanu aheeyn mid sharci ah