Weli waxaan xal laga gaarin khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedka Galmudug,iyada oo ay kala degan yihiin Madaxda Iskhilaafsan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Xubnaha ku sugan Cadaado oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa waxa ay sheegayaan in la hareer maray heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug ee dalka Jabuuti.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in heshiiskaas ay muhiim tahay in marka hore la marsiiyo Baarlaamanka Galmudug si ay u meel mariyaan intaasi kadibna lagu dhaqmi doono.
Galmudug Waxaa Hada ka jira Khilaaf Xoogan Waxaana Shalay ka Furmay Cadaado, Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Galmudug.