Khilaafka Deni iyo ku-xigeenkiisa oo sii xoogeeysanaya (Aqriso sababta)

Reading Time: < 1 minute

Sabtidii todobaadkaan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu shegay in Puntland ay Soomaaliland wadahadal kala galeyso deegaannada ay dhowrka mar isku qabsadeen oo ay ku dagaalameen,hayeeshee waxaa arrinkaasi ka hor yimid Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal uu soo saaray oo ku taariikheysan 19/8/2019 waxaa uu ku sheegay in waajibaadka xukuumadda Puntland ay Aas aas u tahay difaacida dadka iyo  ilaalinta Gayiga Puntland,sidaas daraadeedna aan gorgortan laga galeyn dhulka ay Soomaaliland ku xad-gudubtay.

Waxaa uu qoraalka ku sheegay in Puntland ay diyaar u tahay difaacida xaduudaheeda,sida Sool, Sanaag iyo ceyn,isla markaana Madaxweyne kuxigeenka uu kasoo horjeedo wadahadalladii uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland ee aan wax shuruud ah lagu xirin.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu kasoo horjeestay Magacaabistii Madaxweynaha Puntland Guddiga doorashooyinka Maamulkaas taas oo uu khilaafka kasoo bilaawday.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka Puntland.