Khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay Madaxda ugu sareysa Puntland

Reading Time: < 1 minute

Khilaaf xooggan ayaa soo gala dhexgalay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland xilli maalmihii lasoo dhaafay labada dhinac ay sameeyeen tilaabooyin iska soo horjeedda.

Khilaafka ayaa soo bilowday sanad ka hor, laakiin waxaa arintaasi ku jiray Waxgaradka dowlad goboleedka Puntland oo Codsaday in Cidwaliba ay ku shaqeyso Xafiiskooda, inta laga gaaraayo Doorashadda.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa si weyn uga soo horjeeda dowladda dhexe ee Soomaaliya, xilli Madaxweyne ku xigeenka uu taageersan yahay dowlada dhexe ee Soomaaliya dhowr jeerna uu kasoo horjeestay tilaabooyin ay qaadeen madaxda mamul goboleedyadda.

Khilaafka ayaa soo shaac baxay ka dib markii labadda dhinac ay sameeyeen arin halis iyo qalqal galinkarta Hanaanka doorashadda maamulka Puntland ka dib markii Guddigii uu Magacaabay madaxweyne Gaas Mid kale uu kasoo daba Magacaabay madaxweyne ku xigeenka.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashadda Madaxtinimada iyo Golaha Wakiilada Puntland Waa mid ah kuwo ugu muhiimsan Hanaanka doorashadda Puntland, waxaana xilliggaan ka taagan Khilaaf sababay in labo Guddi lasoo Magacaabo.

Bulshadda kunool degaanada maamulka Puntland ayaa walaac badan ka qaba Khilaafkaan xilli doorashadda Madaxtinimadda Puntland ay dhaceyso 8 Bisha soo socota.