Sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo naga soo gaaray gobolka Jubbada Dhexe ugu yaraan 10 kamida dagaalyahanaha Al Shabaab ayaa ku geeriyootay labaatameeyo kalana dhaawacyo xooggan ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo Al-shabaab ku dhex maray meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Yaaq shabeel oo u dhexeysa Kaam jirroon iyo Beexaani ayaa geystay qasaara baaxad leh oo labada dhunac soo kala gaaray, sida ay xog hoose ku heshay warbaahinta Qaranka.
Dagaalka ayaa yimid markii horjooge lagu magacaabo Ismaaciil Booroow kana soo jeeda degmada Xuddur ee gobolka Bakool uu kasoo goostay khawaarijta, taas oo sababtay in koox daacad u ah dhagar-qabe Mahad Karratay ay weerar ku qaadaan.
Horjooge, Ismaaciil Booroow ayaa haysta malleeshiyaad ku heyb ah kuwo isaga ku feker ah oo ka gadoodsan dhaqannada gurracan ee kooxda Al Shabaab, halkaas oo ay saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ku dagaallamayeen isaga iyo garabka dhagar qabe Mahad Karratay.
Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa waayadii dambe soo food saaray argagax iyo cabsi fara badan markii ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku qaadeen guluf xooggan oo lagaga xoreeyay dhul badan oo ay ka arriminayeen, taas oo keentay kala shaki iyo in ay dhexdooda dagaallamaan.