Wararka ka imaanaya Magaalada Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobalka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in khilaaf awgii ay u baaqatay doorasho lagu waday in ay xildhibaanada Galmudug ee Dhuusa mareeb joga ku doortaan madaxweyneku xigeen.
Khilaaf ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Gudoomiyaha guud ee ururka Ahlusuna ee Galmudug heshiiska la galay Macalim Maxamuud.
Waxaa ay labada dhinac isku khilaafeen raga qaar ee isu soo tagaaya doorashada madaxeyne ku xigeen oo la warinayo in mid waliba uu wato musharax gaar ah oo ay doonayaan in la doorto.
Waxaa uu qoshaha ahaa in khamiistii aynu soo dhaafnay ay doorashada ka dhacdo Magaalada Dhuusa Mareeb, balse khilaafka awgii ay u baaqatay.
Lama Oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka hada ka jira Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobalka Galgaduud.